U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga oo sheegtay in ku guuleesteen kahortagga weeraro qaraxyo oo Muqdisho ka dhici lahaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay kahor tagga weeraro iyo qaraxyo ka dhici lahaa magaalada Muqdisho todobaadkaan aynu ku guda jirno.

Afhayeenka Wasaaradaasi Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ciidamada amniga ay sameeyeen howlgalo balaaran oo habeen iyo maalin ah, ayna soo qab qabteen gaadiid, hub iyo Rag uu sheegay in Al-shabaab ay ka mid yihiin.

“Waxaa la fishililyay oo laga hortagay howlgalo aad u badan oo Al-shababa rabeen dadka inay ku waxyeeleeyaan, waxaa la qabtay ku dhawaad 20 isku day qarax oo ay rabeen inay sameeyaan, guryo, Garaashyo, gaadiid, hub iyo rag ka mid ah Al-shabaab ayaan soo qabanay” ayuu yiri afhayeen Maxamed Yuusuf.

Dhanka kale Afhayeen Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan shacabka in ay dhibaateeyaan, hase ahaatee ay iyaga taasi ka hortagayaan.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana ay ka taxadaraan dadka guryaha ay ka kireynayaan iyo gaadiidka intaba.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News