U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga oo Sheegtey in Dameero iyo Doomo Loo Adeegsado Fal Dambiyeedyo

Sheeko:Dalka

Maxamed CusmaanAfayeenka wasaaradda amniga qaranka oo maanta saxaafadda usoo bandhigey 9 nin oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyihiin shabakad ama unug u qaabilsan Alshabaab dhanka daabulista iyo kala gooshinta hubka iyo dagaalyahanada falalka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegey kooxdani ay adeegsato Gaari-Dameero iyo Doomo.

Afayeenka ayaa sheegey in raggani ay gaadiidka dameeraha ay ku daabulaan hubka iyo saanada kale ee loo geeyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo uu sheegey in falal kala duwan ay a geystaan Muqdisho, wuxuu intaasi ku daray in ujeedka isticmaalka gaadiidkani uu yahay in looga dhuunto baraha koontarool ee wax lagu baaro marka caasimadda lasoo galayo ama laga baxayo.

Waxa kale oo uu sheegey in shabakadani ay isticmaasho doomo ay wabiga kaga taloowsiiso dagaalyahanada Alshabaab iyo saanadooda marka ay kasoo gudbayaan gobolka Shabeelada Dhexe meelo ka mid ah.

Afhayeenka Maxamed Cusmaan ayaa ku naaloodey in maalin kasta ay fashilaan shabakad kasta oo ka tirsan Alshabaab, islamarkaasina ay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah falalka amni darada.

Maalmo ka hor wasaaradda waxa ay soo bandhigtey rag la sheegey in ay ka dambeeyeen dilka xildhibaano iyo waliba gaadiid la sheegey in dad ganacsi ahaan u kireysanayay inta laga kireystey fal dambiyeedyo lagu geystey, taasi waxa ay horseedey in wasaaraddu soo saarto awaamiir ah in aanan gaadiidka la kireyn karin ogaansho la’aanta laamaha amniga.

Dhageyso

Goobjoog News