U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Oo Soo Bandhigtay Magacyada Rag Ka Tirsan Al-shabaab Oo Laga Soo Qabtay Afgooye

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyada rag ka tirsan Al-shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen ciidamada dowladda degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka amniga, Maxamed Abukar Islow ayaa kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirada waxaa looga dhageystay warbixin amniga ku saabsan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cismaan Yariisow oo warbaahinta la hadlay kulanka golaha wasiirada kadib ayaa akhriyey magacyada ay soo bandhigtay wasaaradda amniga iyo ragga la haayo qaarkood waxyaabihii ay qaban jireen ama u qaabilsanaayeen Al-shabaab.

“Wasiirka wuxuu sheegay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka ay ka fulinayeen Afgooye ay ku guuleysteen iney soo qabtaan 29 qof oo runtii ah dad lala xiriirinayo kooxaha argagaxisada ah oo ay kamid yihiin eedeysane Aweys Qadar Axmed oo ahaa amiirka qeybinta howlgallada degmada Afgooye, eedeysane C/laahi Maxamuud Mukhtaar Suuley Farsamayaaqanka qaraxyada oo gacan yare u ahaa C/weli, Saalax C/qaadir Cabdulle oo ahaa madaxa lacagaha Sakawaatka, Maxamed Aweys Cali oo amniyaatka ka tirsanaa, Maxamed Xuseen Salaad Yemeni oo amniyaatka ka tirsanaa, Maxamed Cali Xasan Amniyaatka ka tirsanaa, Bakar Maxamed Yacquub oo isna ahaa miiniiste ahna tashkiiliyaha dhallinyarada, Sakariye Salaad Maxamed oo amniyaatka ka tirsan, Aweys Jamaal Sheekh Muxyadiin oo isna amniyaatka ka tirsan, dhammaan 29-kooda gacanta ayaa lagu hayaa waxaana socota baaris ah sidii loo horgeyn lahaa sharciga, sidoo kale waxaa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo C/weli Cabdi Daa’uud oo horey dil ugu geystay marxuumka la yiraahdo Guuleed C/qaadir Muuse” ayuu yiri wasiirka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo ballaaran ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

Goobjoog News