Wasaaradda Amniga Puntland: Ammarada Aan Amniga Kasoo Saarnay Weli Lama Fulin

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shiraa’id uu ku qabtay Magaalada Garoowe kaga hadlay qodobo la xiriira amaanka oo horay wasaarada Amniga Puntland u soo saartay balse aan la fulin.

Wasiirka ayaa hay’adaha Amniga ku Eedeeyay inay ka gaabiyeen qodobo wasaaraddu uga soo saartay Ammaanka, waxaana uu sheegay inay fulin waayeen hay’adaha qaar shaqooyinkii loo igmaday, waxaana uu ka codsaday laamaha nabadgalyada wada shaqayn wanaagsan inay la yimaadaan.

“Waxaa la fulin waayey sharciyadii aynu soo saarnay, tusaale waa in aqoonsi haystaa qof walbo oo ku sugan deegaannada Puntland si nabadda loo xaqiijiyo taasi ma aanay dhicin, sharciyada lasoo saara waa inay fulisaa ciddii quseysa, hadii kale qofkaasi xafiiska masii joogi doono” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay waajib ay tahay in si wadajir ay Laamaha Nabadgalyada u wada shaqeeyaan islamarkaana ay dhaqan galaan qodobada ay soo saarto Wasaarada Amniga Puntland.

“Saacadaan laga billaabo hay’adaha amniga wada shaqeyn baan ka dooneynaa, wixii la qabanayo qoraal baan ku bixineynaa, waana in umadda loo adeegaa, lana ilaaliyaa kala dambeynta” ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.

Waxaa jiray ammaro badan oo wasaaradda amniga Puntland horay usoo saartay hase ahaatee aan illaa iyo iminka la fulin.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW