U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Qaranka Oo Sheegtay In Ay Socdaan Baaritaan Lagu Ogaanayo Qaabkii Al-shabaab u weerareen Xalane (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Mamxamed YuusufWasaaradda Amniga Qaranka dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan baaritaano la xiriira qaabkii Xarakada Al-shabaab u weerareen Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhamaan hay’adaha amaanka ay wadaan baaritaankaan.

Maxamed Yuusuf ayaa dhanka kale cambaareeyay weerarkaasi, waxaana uu sheegay in dantii Al-shabaab ka lahaayeen weerarkaasi aanay gaarin, haatanna baaritaanno ay bilawdeen.

“Waa mid ka mid ah weerarada Fuleynimo ee Cadownimo, Kooxda Al-shabaab rabaan inay ku arbushaan nabad galyada, waxay ku tuseysaa daciifnimadooda iyo abaabul xumadooda, uljeedka iyo howlgal kasta ay fuliyaan waxay ku dhamaadaan sidaan, marka dantii ay lahaayeen magaaraan, waxaan leeyahay dhalinyarada lasoo qasbayo ee lasoo marin habaabinayo meesha idiin dambeyso waa meeshaas, waana cambaareynaynaa howlgalkaasi ay Al-shabaab fuliyeen, dad lagu tuhunsan yahay waynu soo qabanay, dhamaan hay’adaha amniga waa ay bilaabeen baaritanno arintaasi ku saabsan” Ayuu yiri Afhayeen Maxamed Yuusuf

Rag hubaysan oo ka mid ah Al-shabaab ayaa 25-kii bishaan waxa ay weerar ku qaadeen Xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News