U bood dhigaalka

Wasaaradda Amniga Somaliland Oo Ka Hadashay Shaqaaqo Ka Dhacday Magaalada Boorama

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay shaqaaqo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacday magaalada Boorama ee gobalka Awdal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradaasi Cabdi Daahir oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin wixii ka dhacay magaalada Boorama, balse ay jawaab ka bixin doonaan xilliyada soo socda.

Waxa uu sheegay in qaab siyaasadeed iyo qaab ciidan intaba lagu xallin doono wixii ka dhacay Boorama.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sababta keentay in ciidamada Booliiska Somaliland ay rasaas nool u adeegsadaan dadka shacabka ah, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

“Askariga hadii uu naftiisa u yaabo oo la xanuunjiyo, waxa imaan kara waad ogtihiin, waxa uu askariga ku qasban yahay inuu is badbaadiyo, laakiinse waxaa la keeni doonaa rasaas dheemish ah oo dadka xanuunjisa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Shalay ayaa shacab carreysan waxay dab qabadsiiyeen hoyga taliyahii qeybta Booliiska ee magaalada Garoowe, iyaga oo ka careysnaa Laba ruux oo ciidamada Somaliland Laba maalin kahor ku dileen garoonka kubadda cagta ee Borama.

Goobjoog News