U bood dhigaalka

Wasaaradda amniga Soomaaliya oo ka hadashay hub ay xalay gacanta ku dhigtay

Sheeko:War
Afhayeenka wasaarada amniga Soomaaliya, Maxamed Yuusuf
Afhayeenka wasaarada amniga Soomaaliya, Maxamed Yuusuf

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku geeriyooday is rasaaseen culus oo xalay ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ku dhex maray xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda ay weerareen guri la sheegay inuu degnaa sarkaal ka tirsan ciidamada mileteriga dowladda.

Sarkaalka la weeraray gurigiisa ayaa lagu magacaabaa Cabdi Ileys, wararka ayaa sheegaya in guriga sarkaalkan uu yaallo hub, taasna ay tahay sababta ay ciidamada nabadsugidda ka tirsan u weerareen gurigaas.

Cabdi Ileys ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan nabad sugidda ay soo weerareen gurigiisa , isla markaana uu iska difaacay sida uu hadalka u dhigay.

Kadib in muddo ah oo ay rasaastu socotay, waxaa gaaray goobta saraakiil ciidan iyo wasiirro xukuumadda ka tirsa , inkastoo aan wax badan laga ogeyn wixii ay ka wada hadleen iyaga iyo Cabdi Ileys oo ah sarkaalka gurigiisa lagu qaaday weerarka.

Ciidamada nabad sugidda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan hub yaallay guriga xalay ay weerareen.

Afhayeenka wasaaradda ammaanka qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo wareysi siiyay idaacada ku hadasha afka Mareykanka ee VOA ayaa sheegay in dhar ciidan iyo hub ay xalay la wareegtay wasaarada amniga loo waday xarakada Al-shabaab, kuwaa oo laga helay aqalka Cabdi Ileys.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh ayaa ugu bigaadiyay ciidamada nabad sugidda howlgalka ay ku soo qabteen hubka.

Cabdiweli Sheekh ayaa hadalkan ku sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa.