U bood dhigaalka

Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Sheegtay In Gobalada Dalka Laga Hirgelinayo Maamulo Dadka Raali Ka Yihiin (Dhageyso Waresyi)

Sheeko:Dalka

BangaxWasaaradda Arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in guud ahaan gobalada dalka laga hirgelinayo maamulo ay raali ka yihiin dadka dega gobaladaasi, kuna yimaada rabitaan iyo faham shacabiyadeed.

C/raxmaan Maxamed Bangax oo ah sii hayaha xilka wasiirka ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog kaga hadlay arimo badan oo ku saabsan dhismaha maamulada iyo sidoo kale arimo la xiriira maamul wanaagga.

Mar wax laga weeydiiyey wax uu yahay maamul wanaagga ayuu sheegey ku jawaabay “Maamul wanaagga waa in qofkii ku habboonaa la geeyo Meeshii ku habbooneyd” , wuxuu intaasi ku daray in maamul wanaagga uu yahay in qofka loo madaxbaneeyo in uu guto waajibaadkiisa, loona madaxbaneeyo awoodiisa fulineed.

Wuxuu sheegey in ay muhiim tahay in jaranjarta maamulka, istixgalinta mas’uuliyiinta, iyo kala dambeynta ay yihiin arrimo sal u ah maamul wanaagga.

Wuxuu intaasi ku daray in isku xirka shaqaalaha, maamul toosanna uu yahay maamul wanaaga saxda ah, ka wasaarad ahaanna xilli walba ku dadaalaan sidii maamul wanaaga loo dar dar gelin lahaa ku dhaqankiisa.

“Simanaaro badan baan u qabanaa bulshada si aynu u barno maamul wanaaga, dalkeena muddo badan ayuu bur bur ku jiray, balse inta yar ee aynu helno ayaan isku daynaa in aynu bulshada ku gaarsiinno arimaha maamul wanaaga ah, waxaana xiriir wanaagsan la leenahay maamulada dalka oo aan siminaaro u furno” ayuu yiri wasiir Bangax oo ka hadlay tabobaro ay siiyeen guddoomiyeyaal degmo.

In bulshada ay mar kasta la socoto shaqada lo ohayo, in lasoo daaboco hawlaha la qabtay, in la qorsheeyo qorshe-hawleedyada shanta sano, in la’isla xisaabtamo, in hufnaan iyo la xisaabtan uu jiro, ayuu sheegey in arrimahaasi oo dhan ay udub dhexaad u yihiin maamul wanaagga.

Mar uu ka hadlay shaqaalaha dowladda ee aanan ku habooneyn xilalka ay hayaan, ayuu sheegey in la gaari doono xili shaqooyinka lasoo dhajiyo, loo tartamo, kadibna shaqada la siiyo qofka aqoonteeda iyo kartideeda leh, iyada oo aysan jireynin eex iyo nin jecleysi.

Musuqmaasuqa ayuu sheegey in uu yahay mid wiiqaya awoodda dowladda “Waa in aan ka baxnaa la xisaabtan la’aanta, dabogal la’aanta, adeeg la’aanta, sharci dhawris la’aanta, la’antaa la’aanta badan waa in aan ka baxnaa” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in wax kasta aanan halmar la wada sixi karin, balse wadadii cagta la saarey.

Hoos ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News