U bood dhigaalka

Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Oo War Kasoo Saartay Shaqaaqadii Ka Dhacday Hargeysa

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Somaliland ayaa ka hadashay Shaqaaqo habeen kahor ka dhacday magaalada Hargeysa, taas oo u dhaxeysay dad shacab ah iyo ciidamada Booliiska.

Wasiirka wasaaradaasi Cali Maxamed Waran Cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka xun yihiin ka wasaarad ahaan dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rasaastii ay fureen Booliiska Somaliland.

Waxa uu sheegay in dhacdadani ay ku bilaabatay muran dhuleed soo kala dhex galay dad wada deganaa xaafad ka tirsan Hargeysa, sidaa darteedna ay ciidamada Booliiska isku dayeen inay xaliyaan balse ay taasi dhici weysay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka mid ah kuwa Booliiska ee rasaasta furay, ka dib markii shacabka ay kala kulmeen dhagxaan iyo waxyaabo kale oo dadku adeegsanayeen.

“Aad baan uga xunnahay wixii ka dhacay magaalada Hargeysa, Laba reer baa isku qabsatay dhul dhisme ka socday, mid ka mid ah reeraha ayaa u aragtay in lagu soo sikaday, waxaana ay dacwad keentay Booliiska, ciidankii baa goobta ku baxay, waxaana ay dalbadeen in la joojiyo dhismaha, balse reerkii kale baa meesha buuq ka kiciyay, ciidamada rasaas ay doonayeen in dadka ku kala eryaan bay rideen, laakiinse waxaa halkaasi ku geeriyooday wiil yar Afar kalena dhaawac baa soo gaaray, sidoo kale 7 ka mid ah ciidamada Booliiska qudhooda waxyeelo baa soo gaartay” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Waran Cadde ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska, islamarkaana aanay u arag kuwo iyaga cadow ku ah.

Goobjoog News