U bood dhigaalka

Wasaaradda Arr. Dibadda Oo Beenisay Eedeymo Ay Hanti-dhowrka Qaranka iyo Xeer ilaalinta U Heysteen Wasiir Mukhtaar

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa beenisay musuq bishan 4-teedii lagu soo eedeeyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Mukhtaar Mahad Guuleed.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda waxaa waxbo kama jiraa lagu tilmaamay eedeymaha hanti-dhowrka qaranka iyo xeer ilaalinta, iyaga oo weliba lagu eedeeyay in ay hareer mareen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo dokumenti is dhaafsi, taa badlakeedana ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmada wasaaradda. Sidoo kale ay sumcad dilaan mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana heyn caddeymo sugan oo sheegashadooda ah.

Qoraalka Oo Dhameystiran Sii Akhri: