U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Waxaa Laga Gudbayaa Marxaladdii Deeqaha Soomaaliya Loo Soo Marsiin Jiray Hay’adaha Caalamiga

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Khaalid Cumar ayaa sheegay in waqtigan laga gudbayo marxaladaha la xiriira deeq bixinta Soomaaliya ee loo soo marin jiray hay’adaha Qaramada Midoobay.

Waxa uu sheegay wasiiru dowlaha in 48,270,000 doolar ee dowladda Japan ugu deeqday Soomaaliya ay ka dambeysay markii uu kulan rasmi ah dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan.

“Waxaad dareemi kartaan hormarkaasi iyo tallaabooyinkaas in wax badan oo dhaqaale ah soona mari jiray hay’adaha caalamiga ah hadda laga gudbayo, waxaad u maleysaa in dhanka Soomaaliya xageeda ama wasaaradda qorsheynta oo aan uga mahadcelinayo ay habeynayso arrimahaasi” ayuu yiri wasiiru dowlaha

Lacagtaan ay Japan ugu deeqday Soomaaliya waxaa wax looga qaban doonaa dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, Booliska iyo sidii loo horumarin lahaa dib u dhiska dalka.

Safiirka Japan u fadhiya Soomaaliya ayaa ballan qaaday in dowladiisa ay ka caawin doonto Soomaaliya dhinacyadaasi kala duwan iyo sidii looga shaqeyn lahaa dib u dhiska dalka.

Goobjoog News