U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Diinta : Qofkii Xajka Aadayo $5,230 dolar Ayaa Laga Rabaa

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha diinta iyo Awqaafta Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay kharashaadka sanadkaan laga qaadayo xujayda dooneyso in ay soo gutaan waajibaadka xajka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu faahfaahiyay lacagaha laga rabo sanadkaan dadka rabo in ay Xajka aadaan.

Lacag gaareyso $5,230 dolar ayeey wasaaraddu sheegtay in laga qaadayo sanadkaan Xujyada dooneysa gudashada acmaasha xajka.

Kharashaadkaan ayaa loo kala qaybiyay in $3,250 dolar loogu talagay in ay leedahay boqortooyada sacuudiga, $1,500 dolar oo kamid ah lacagtana ay tahay tikidhada diyaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dadka laga qaadayo lacag dhan $480 dolar, oo lagu sheegay in lagu qabanayo wax ay ugu yeereen kharashaadka kale, oo ay kamid yihiin caafimaadka.

Wadarta lacagta xujayda laga rabo ayaa ah $5,230 dolar, si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka ee sanadka 1443 hijriga.