U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Odayaasha Oo Shirar Ku Leh Magaalada Jowhar

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wakiillo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanka beelaha ay ku shirsan yihiin magaaladaasi.

Xubnaha ka socda Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa  magaalada Jowhar kulamo kula qaadanaya odayaasha dhaqanka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ku sugan magaaladaasi.

Wakiillada wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha ayaa ka wada hadlaya caqabado ka jira shirka maamul u sameynta gobolladaasi.

Caqabadaha jira waxaa ka mid ah in baarlamaanka maamulka uu yeelanayo aan weli la soo dhameystirin taasna ay keentay in doorashadii madaxweynaha maamulkaasi oo dib u dhac ay ku timid.

Waxaa sidoo kale jira cabasho ay qabaan beelaha qaar oo iyagu sheegaya in wixii ay xaqa u lahaayeen aysan ka helin tusaale xubnaha ay baarlamaanka ku yeelanayaan oo laga siiyay tiro ku jaan go’an ka beel ahaan inta ay yihiin.

Shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo weli si waafaqsan ayaa la isugu afgaran ayaa maalinba maalinta xigta waxaa soo ifbaxaya caqabado shirkaasi ku hor gudban marka laga soo tago qaar kamid ah ugaasyada reer Hiiraan oo weli ka biyo diidan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkani aad isugu howshay Jowhar si labadaasi gobol maamulkooda loo dedejiyo ka hor inta aysan Soomaaliya ka dhicin doorasho Madaxweynenimo iyo mid baarlamaanba.

Goobjoog News