U bood dhigaalka

Wasaaradda arrimaha gudaha oo daahfurtay kulanka qaran ee xiriirinta Dowladaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka ah ayaa maanta magaalada Muqdishi ka daahfurtay kulanka qaran ee xiriirinta Dowladaha Hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshisiinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa daahfuray wasiirka Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi, waxaana ka qaybgalay wasiirada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo howlwadeenadooda iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu falanqeynayaa arrimaha dowladaha hoose.

Goobjoog News