U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadashay Halka Uu Marayo Qorshaha Lagu Dhisayo Maamulka Sh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in meel wanaagsan uu u marayo dhismaha maamulka loo sameynayo goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka wasaaraddaasi Cabdifataax Daahir Mire ayaa u sheegay Goobjoog  in wasaaraddu ay wado qorsheyaal cad oo ay ku doonayso in lagu hirgaliyo maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in dhawaan ay qaban doonaan shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne kuwaasoo dadka goballadaasi la isugu keenayo.

“Meel wanaagsan ayeey howshu mareysaa, waxaan ku dhawaaqeynaa dhawaan guddigii Farsamada oo maalmahaan laga shaqeynayaya, meeshii shirka uu ka dhici lahaa, muhiimmaddu waa in la sameeyo wixii oo si wanaagsan looga soo shaqeeyay, wasaaradda aad bay howlahaan u taqaanaa, Jubbaland bay wax ka dhistay, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, muhiimadda Federaalku waa in dadku wax yeeshaan” ayuu yiri Afhayeenka

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in shirarkaasi kadib la guda gali doono maamulka sameyntiisa isagoo xusay in wasaaraddu ay ku howlan tahay dhismaha guddiyada ka shaqeynaya dhismaha maamulka goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa la filayaa in dhawaan uu furmo shirka lagu sameynayo maamulka gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan inkastoo uu dib uga dhacay xilligii uu furmi lahaa shirkaasi.

Goobjoog News