U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho Ka Furay Shirka Istiraatiijiyadda Xasilinta

Sheeko:Amniga
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu furay kulan wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta, kaas oo looga hadalayo dib u eegista istaraatiijiyadda qaran ee xasillinta guud ee dalka.
Madashan, waxaa wasaaradda arrimaha gudaha kala qeyb galaya wasiiradda Cadaaladda, Gaashaandhiga, Warfaafinta , Korontada iyo biyaha, Caafimaadka ,Diinta iyo awqaafta, Hay’adda maareynta masiibooyinka, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda hey’addo kala duwan ee dowladda iyo bulshada rayidka.
“Ujeeddada ugu weyn ee siyaasaddani waa in ay hagto dadaallada xasilinta iyo soo-kabashada gaar ahaan deegaannada ay dowladdu xoraynayso iyo kuwa nugul ee aan wali si fiican u soo kaban. Iyadoo xoogga la saarayo in si habsami leh la isugu duwo hawlaha xasilinta si fiicanna loo qorsheeyo, si ay u noqdaan kuwo miro dhal ah oo saameyn muuqata ku yeesha deegaannadaas” ayuu yiri wasiirka xilli uu ka hadlaayay u jeedka shirkaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu ka hadalay waxyabaha xoogga lagu saaro Istaraatiijiyadda xasilinta goobaha ay dowladdu kala wareegto Al-shabaab iyo deegaannada kale ay ka jiraan amni darrida sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri”Istiraatiijiyaddu waxa ay xooga saaraysaa afar arrimood oo is kaabaya isla markaasna isku xiran oo dhamaan wasaaradaha halkaan jooga laga rabo in ay si isku mid ah uga wada shaqeeyaan. Arrimahaas oo kala ah:

1. Soo kabashada Bulshada
2. Dib-u-heshisiiin Bulsho
3. Dhisidda Maamullada Dowladaha Hoose.
4. Baahinta adeegyada cadaaladda iyo Adkeynta Sarraynta Sharciga, amniga iyo kala dambeynta”
Shirkaan ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa ka qeyb galay dhowr wasaaradood, sida wasiiradda Cadaaladda, Gaashaandhiga, Warfaafinta , Korontada iyo biyaha, Caafimaadka ,Diinta iyo awqaafta, Hay’adda maareynta masiibooyinka, Maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda hey’addo kala duwan kuwaas oo ay quseyso hannaanka xasilinta deegaannada lala wareegay.
Goobjoog News