U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Raashiin Ku Wareejisay Maamullada Banaadir Iyo Koonfur Galbeed (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay deeq raashiin ah ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir, maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale ehlada wariyeyaashii dalka lagu dilay.

Raashiinkan ayaa isugu jira Bur iyo Sokor dhawaan dowladda Turkiga ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho si loo siiyo shacabka Soomaaliyeed.

C/rashiid Maxamed Xidig, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha oo hadal ka jeediyey halka raashiinkan lagu wareejinayey maamulladan ayaa sheegay in deeqday ay ka timid dalka Turkiga isaga oo u mahadceliyey dowladdaasi, waxaana dhanka kale uu sheegay in raashiinkaan ay gaari doonto dadka u baahan ee Soomaaliyeed gacmo aamin ahna ay bixinayaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay wuxuu sheegay in raashiinkaan ay gaarsiin doonaan 17-ka degmo ee gobolka Banaadir loona bixin doono si caddaalad ah.

Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka waxaa ku sugan qoysas badan oo Soomaaliyeed islamarkaana aad u tabaaleysan kuwaasi oo u baahan raashiinkan.

R5
R4

R3

 

 

Goobjoog News