U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland: Waa La Baarayaa Sababta Loo Xirey Cumar Seerbiya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameynayo sababta ka dambeysay in la xiro wariye Cumar Cali Xasan (Seeribiya) oo ka tirsan Goobjoog Media Group.

Wasiirka wasaaraddaasi Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in wasaaraddiisa aanay wax shaqo ah ku lahayn ammarkii lagu xirey Seerbiya, balse ay jiri karaan tuhunno  kale.

Waxa uu tilmaamay in baaritaanno ay ku wadaan hay’adaha ammaanka, kadibna saxaafadda si rasmi ah loogu faah faahin doono waxa loo xirey Cumar.

“Waxaan ugahay in la xiray sababaha loo xireyna weli ma ogo, balse sabab la’aan loma xirin, waxaa igu soo noqonaya warar oo laga yaabo iney wax iska bedalaan, kadib ayaan ka hadlayaa, qasab ma ahan inaan ammarka bixinno, meello kale iney ka yimaadeen baa laga yaabaa, sabab la’aan cidna lama xiro” ayuu yiri wasiirka.

Maamulka sare ee Goobjoog Medi Group, waxay ka dalbanayaan Somaliland in si shuruud la’aan ah ay xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan wariye Cumar Seerbiya.

Goobjoog News