U bood dhigaalka

Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Oo 7 Amar Ka Soo Saartay Xajka, Visaha Iyo Diiwaan-gelinta Shirakadaha

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta ayaa axaddii amarro cusub ka soo saartay arrimaha Xajka, is-diiwaan-gelinta shirakadaha, lacagaha Xaajiga laga qaado iyo fududeynta Visaha.

Hadaba, Qodobadda waxaa ka mid ahaa:

  1. Wasaaradda waxaa ay wax ka badal ku sameyneysaa maamulka arrimaha Xajka
  2. Wasaaradda waxaa ay horumarin ku sameyneysaa dhammaan adeegyada loo fidiyo xujeyda Si loo ilaaliyo xuquuqda iyo sharfta xaajiga.
  3. Wasaaradda waxaa ay bixineysaa ogolaanshiyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka iyo cumrada ee sanadka 2018.
  4. Wasaaradda waxay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha daneynaya in ay ka shaqeeyaan arrimaha Xajka iyo cumarada in ay iska soo diwaan-geliyaan wasaaradda inta u dhaxeysa 07/01/2018-20/07/2018
  5. Wasaaradda waxaa ay dib u eegis ku sameyneysaa qarashka ku baxaya Xaajiga Soomaaliyeed iyada oo lala kaashanayo xukuumadda.
  6. Wasaaradda waxaa ay ku dadaali-doontaa sidii xafiiska fiiso bixinta iyo cumarada ee safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya looga furi-lahaa Muqdisho, si muwaadinka loogu sahlo Visa helidda.
  7. Wasaaradda waxaa ay kaashan-doontaa fulinta Xajka dhammaan hey’adaha ay khuseyso.

Akhriso:

  1. 1 2