U bood dhigaalka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo shaacisay cinwaanada gobolada dalka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muddooyinkii dambe aad ugu hawlaneyd dardargalinta iyo dib u soo celinta adeegii boostada dalka.

Wasaaraddu waxey ku guuleysatay in maanta ay waraaqaha dalka dibaddsiisa ka yimaada ay soo gaaraan dalka iyadoo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintuna gaarsiiso gobolada dalka Soomaaliyeed.

Wajiga labaad oo hadda gabagabo ku dhow ayaa ah in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu  diyaarineyso inshacabku ay bilaabaan diritaanka waraaqaha ay u diraan dalka dibadiisa.

Magacyada Gobolada iyo Post Code-kooda

1-      AD = AWDAL

2-      BK = BAKOOL

3-       BN = BANAADIR

4-      BR = BARI

5-      BY = BAY

6-      GG = GALGADUUD

7-      GD = GEDO

8-      HR = HIIRAAN

9-      JD = JUBBADA DHEXE

10-  JH = JUBBADA HOOSE

11-  MD = MUDUG

12-  NG = NUGAAL

13-  SG = SANAAG

14-  SD = SHABEELLADA DHEXE

15-  SH = SHABEELLADA HOOSE

16-  SL = SOOL

17-  TG = TOGDHEER

18-   WG = WAQOOYI GALBEED

Gobol-walba waxaa raaci doona nambar, degma walbana waxay yeelaneysaa nambar khaas u ah. Tusaale ahaan gobolka Banaadir waxuu qaadanayaa 1000 (BN 1000) waxaa markaa kadib raacaya Numberka degmada iyo numberka guriga qofka.