U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Bilowday Ololaha Talaalka Dabeesha

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo taageero ka heleysa hey’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa waxaa ay bilowday olole 3 maalmood ah oo Talaalka Dabeesha ah.

Ololaha waxaa ka faa’ideysan-doona illaa 726,699 oo caruur ah da’doodu ka yar tahay 5 sano, kuwaas oo ku nool Banaadir iyo labada Shabeelle.

“Ma jiro hal  kiis oo dabeyl ah oo la helay laga soo bilaabo August 2014, laakin waxaa in ka hortag la sameeyo” sidaasi waxaa yiri ergeyga WHO ee Soomaaliya Dr. Ghulam

Dhinaca kale Steven Lauwerier oo u qeybsanaha UNICEF ee Soomaaliya waxaa uu leeyahay “Ololaha waa labo wareeg, waana guri-ka guri halkaas oo koox ka socota wasaaradda ay dadka ka caawin-doonaan wacyigelin iyo tallaal, wareeyada 1aad iyo 2aad waxaa dhibic afka ah laga sii doona caruurta ka yar 5 sano halka wareegga 3aad ka hortag la siin-doona caruurta jirta 2-23 bil.

Goobjoog News