U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Isbitaalkii U Gaarka Ahaa Covid-19 Ka Dhigtay Mid Guud

Sheeko:Amniga

Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegtay in Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho dib u bilaabi doono howlihii caadiga ahaa ee bulshada u haayay .

Isbitaalka oo Sanad ka hor markii uu dalka yimid xanuunka Corona Virus dowladda ay sheegtay in ay loo gaaryeelay Isbitaalka dadka uu soo rito xanuunka Corona Virus .

Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay maadama uu yaraaday xanuunka Covid-19 in Isbitaalka loo fasaxayo in uu qabto howlaha kale ee Caafimaadka.

“Isbitaalka Guud Ee Demartino wuxuu bulshada la socodsiinayaa in uu isbitaalka dib u bilaabay shaqadiisa caadiga eheed maadaama ay hoos u dheceen xaaladaha COVID19 ee Gobolka Banaadir.”
“Wuxuu isbitaalka qaabili doonaa bukaanada cudurrda guud , Cadurrada Caruurta , dhalmada iyo cudurrada haweenka iyo Qaliimada guud.”
“Sidoo kale isbitaalka wuxuu sii wadayaa u a deegidda bukaanada u soo rito caabuqa COVID19 iyadoo loo asteeyo meel gaar ah.” ayaa lagu yir Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka.