U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Korarka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay.

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in dalka laga diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19. Sedax bukaan ayaa cudurka ugu geeriyooday gobalka Banaadir, Puntiland iyo Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in 48 kamid ah bukaannda cusub ay yihin rag 22-na haween. 3 qofood oo cusub ayaa ka bogsooday xanuunka.

67 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, sedaxda-na waxay ku suganyihiin Somaliland.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee wasaaradda caafimaadku ay dalka ka diiwaan gelisay ayaa gaartay 670, waxaa cudurka ka bogsooday 34 Ruux. 31 ruux oo kale ayaana u geeriyooday.

Dowladda oo wadda dadaallo looga hor-tegayo laguna xakameynayo faafitaanka COVID-19, ayaa qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay dowlad gobaleedyada dalka si ay awood ugu yeeshaan la tacaalidda Feyruska Karoona.

Goobjoog News