U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Conronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 26 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 532.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 61 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 25, Gobolka Benaadir 13, Galmudug 8,Koonfur Galbeed 8, Puntland 5,  iyo Jubbaland 2 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,513.

Bukaannada cusub 34 kamid ah waa rag, 27-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay hal bukaan ayaa  u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 85 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Goobjoog News