U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ee  Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gobalka Banaadir, Dowlad goboleedyadaya Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, laga diiwaan geliayay xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku caddeysay in 79 xaalado cusub oo la diiwaan geliyay ay ku kala suganyihiin gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed (11) iyo Puntland (8).

14 qof ayaa ka bogsootay cudurka 3 bukaanna way u geeriyoodeen. 62 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag 17-nna waa haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 835 waxaa bogsootay 75 Ruux. 38 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed in aysan qarsan Cudurka oo ay tagaan xarumaha lagu daweeyo si ay isu baaraan hadii ay isku arkaan astaamaha cudurka lagu garto.

Goobjoog  News