U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 57 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 3 bukaan ay geeriyoodeen 8 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23 Somaliland 17 iyo Puntiland 17.

Bukaannda cusub 41 kamid waa rag 16-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 118 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saareysa xakameynta faafintaanka cudurka COVID-19, ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta cudurkaani bulshada ku yeelan karo.

Goobjoog News