U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in la helay kiisas ku aadan xanuunka COVID-19, waxaana ay sheegtay in maanta laga diiwaan geliyey dalka 97 xaaladood taas oo tirada dadka xanuunka uu ku dhacay dalka ka dhigeyso  1,828 ruux.

Wasaaradda ayaa xustay  kiisaska la helay 35 ka mid ah laga diiwaan geliyey gobolka Banaadir  waxaa sidoo kale 32 xaaladood laga helay Somaliland halka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed laga soo calaameeyey 22 kiis, iyo dowladda goboleed Puntland oo laga xusay 8 xaaladood kiisaska cusub  69 ka mid waa rag halka 28 kale dumar .

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in maanta xanuunka Coronavirus dalka ay ugu geeriyoodeen 5 taas oo tirada dadka xanuunka ugudaha dalka ugu dhintay ka dhigeyso 72, ruux, hala ay xanuunka dib uga soo bogsoodeen 45 ruux taas oo dadka xanuunka ka soo caafimaaday tan iyo markii uu dilaacay ka dhigeyso  310.

Gobjoog News