Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus 48-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 73 xaaladood oo COVID-19 ah, 13 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 2 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntiland 25, Somaliland 19, gobalka Banaadir 17 iyo Koonfur Galbeed 12. Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

1,357 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 148 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 55.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW