U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka Coronavirus oo Maanta Laga Diiwaan Geliyey Kiisaskii Ugu Badnaa

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 81 xaaladood oo COVID-19 ah, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo. 5 ruux ayaa ka boqsootay, mana jiro bukaan u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 44 Jubaland 24 Puntiland 6 Somaliland 5 iyo Hirshabeelle 2.

Bukaannda cusub 50 ayaa rag ah 31-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 1,170, Geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo.

Goobjoog News