U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federalaka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in COVID-19 dalka laga diiwaan geliyey kiisas cusub, kuwaas  oo gaarayo 39 xaalaadood oo Coronavirus ah.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga kala helay, gobolka Banaadir14, Puntland 12, Somaliland 8, Jubbaland 3 iyo Koonfur Galbeed oo laga xusay 2, kiiska wasaaraddu sheegtay 25 kamid ah waa Rag halka 14 ay yihiin Dumar.

Wasaaradda ayaa dhanka kale sheegtay in xanuunka ka soo caafimaadeen 45 ruux, halka wasaaraddu aysan  warbixinteeda ku xusin  muwaadin dalka guidihiisa ugu geeriyooday xanuunka samarja ah ee Coronavirus .

Xanuunka COVID-19 ayaa guud ahaan dalka wuxuu ku dhacay 2,642 ruux, waxaa u geeriyooday 88 muwaadin, halka ay dib uga soo caafimaadeen tan iyo markii uu ka dilaacay gudah dalka 622 qof sida lagu xusay qoraalka.

Goobjoog News