U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 Ah 24-Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 45 xaalado cusub oo COVID-19. Waxaa cudurka ka bogsooday 10 qof, waxaana geeriyooday hal bukaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 35 kamid ah bukaannada la xaqiijiyay ay rag yihiin halka 10-ka kale ay yihiin haween.

25 ka mid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir Somaliland 17, Puntiland 2 iyo Koonfur Galbeed 1 qof.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,334 waxaa bogsootay guud ahaan 441 ruux. Halka 83 ruux oo kale ay u geeriyoodeen cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday mawaadiniinta Soomaaliyeed guud ahaan inay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi gelinta looga digayo qatarta cudurka, qaybta uga aadanna ay ka qaataan dadaallada ka hor tagga iyo xakeynta Feyruska Karoona.

Goobjoog News