U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo mamnuucday Isticmaalka Sharoobooyin

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimadka dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay gabi ahaanba mamnuucday isticmaalka iyo iibinta laba sharoobo oo loo isticmaalo xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

War ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in sharoobinkaan lagu kala magacaabo AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup  oo lagu soo sameeyo dalka India ay leeyihiin qataro caafimaad.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan xaqiijin karin in ay dalka yaallaan sharoobooyinkaan, balse ay uga digayaan in bukaanada loo qoro.

Warka wasaaradda ayaa lagu faray dhaatiirta, shacabka iyo ganacsatada qodobadaan;

1. In Dhammaan Dhaqaatiirta Soomaaliyeed aysan u qorin bukaanadooda.
2. In Ganacsatada Soomaaliyeed ay joojiyaan ka ganacsiga Sharoobooyinka kala ah: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup oo soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.
3. Waxaa Sidoo kale lagu baraarujinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay ka taxadaraan Dawooyinkaas oo Qatar caafimaad u keeni kara caruurtooda.
Wasaaradda ayaa dhinaca kale sheegtay in daawadaan ay leedahay xaddi badan oo sun ah, taas oo waxyeello u gaysaneyso caafimaadka qofka.
 “Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) iyo Hay’adda Maareynta Daawada ee Dalka Oozbakistan ayaa lagu ogaaday in daawooyinkaas tayadoodu hoosayso, kuna jiraan xaddi badan oo kiimikaalis sun ah oo waxyeelayn kara habdhiska Jirka,” ayay tiri wasaaradda Caafimaadka.
No photo description available.
No photo description available.