U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Mar Kale Baaq u Jeedisay Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

Wasiir  Fowziya Abiikar Nuur oo shiir jaraaid qabatay ayaa  sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in lagu yareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka, ayaa caddeysay in wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

 

https://www.facebook.com/MoHSomalia/videos/178968443194205/?t=48

Goobjoog News