U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Qalab Looga Hortago Covid-19 Gaarsiisay Galmudug

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta agab Caafimaadka geysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka galmudug taasi oo loogu talagalay ka hortaga iyo xakameynta cudurka dalka kusii faafaya ee covid-19 .

Agabkaan oo isugu jiray  Sariiro iyo qalabkale oo looga hortaga cudurka safmareenka ayaa waxaa kala wareegay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ay ku bogaadiyeen dadaalka wasaaradda ay dowlad-goboleedyada ku geyneyso daawooyinka iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo ka hortaga cudurkaan qatarta ah Karoona Feyrus.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada  ee Xukumadda Federaalka soomaaliya ayaa waxa ay maanta agab caafimaad oo loogu talagalay ka hortagga iyo xakameynta Covid-19 u dirtay  gobolada Sool iyo Sanaag.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan galineyso sidii loo xakameyn lahaa caabuqaan aduunka uu sida xooggan ula dagaalamayo ee covid-19 iyadoo la kaashaneyso dhammaan dowlad-goboleedyada dalka si loo ilaaliyo bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka.

Goobjoog News