U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Sheegtay in 9 Qof Ay Isbitaal Martiini ugu Geeriyoodeen Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya oo goor dhow qoraal soo saartay ayaa sheegtay in xalay isbitaalka Martiini ay ku geeriyoodeen 9 qof oo la xanuunsanayay cudurka COVID-19  waxa ayna wasaaraddu tacsi u dirtay ehalada marxuumiintaas.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Dhanka kale wasaaradda ayaa isbitaallada gaarka loo leeyahay u dirtay digniin ah inay soo gudbiyaan bukaannada ay ku arkaan astaamaha Coronavirus.

Tirada guud ee dadka xanuunkaan Soomaaliya ugu geeriyooday ayaa iminka mareysa 32 ruux halka guud ahaan dalka laga xaqiijiyay kiisas kor u dhaafaya 400.

Goobjoog News