Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Kororka Coronavirus 24-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshaya xukuumadda federaalkaayaa cadeysay in ay kordheen  Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. Знаете ли вы?
    Перечень имён может быть самостоятельным поэтическим жанром.
    Картина парада Победы, где руководство страны смещено на задний план, получила Сталинскую премию.
    Бывший наркокурьер, став премьер-министром Юкона, принимал законы против наркомании и наркоторговли.
    Первый в мире короткоствольный револьвер (англ.)русск. с откидным барабаном стал символом кинонуара.
    Консервативные художественные критики обрушились на портрет девушки, называя её гермафродитом, дочерью Каина и проституткой.

    [url=http://0pb8hx.com/]http://www.0pb8hx.com/[/url]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW