U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Kororka Coronavirus 48-kii Saac Ee Tagtay Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux.

48 kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Goobjoog News