U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyey Kororka COVID-19 Ee Gudaha Dalka

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa soo saartay warbixinta maalinlaha ah ee COVID19,waxaana ay  ku sheegtay in wasaaraddu xaqiijisay in la helay kiisas Cusub oo ah Feyruska Karoona  .

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa  warbixinteeda ku caddeysay in la diiwaan geliyay 95 xaalado cusub oo COVID19 ah, bukaanada la ga helay caabuqa ayaa ku kala sugan 72 Somaliland  17 Gobolka Banaadir  Koonfur Galbeed 4  halka Galmudug laga helay 2 Ruux,kuwaas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,689.

Bukaannada cusub  ee laga helay xanuunka ayaa  65 kamid ah waa rag, 30-na waa haween. 24-kii saac ee ugu dambeeyay waxaa Cudurka COVID19 u geeriyooday 5 Ruux,waxaana ka bogsaday 31 Qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, waxay ku baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Goobjoog News