U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka oo Warbixisay Xadaha COVID-19 24-kii Saac Ee Tagtay

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 27 bukaan ay ka bodsadeen cudurka covid-19 markii lala tacaalay ,taasi oo tirada guud ee dadka ka bogsooday cudurkaan ka dhigeysa 649 ruux.

Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay inay diwaan galisay la diwaan galiyay 16 kiis ee cusub oo cudurka Karoona waxaana deegaanada Soomaaliland laga helay 5 ruux halka 1 qof laga helay deegaanada koofur galbeed, buukaanada 16 bukaan ayaa la sheegay in 15 ay rag halka kan kalene uu yahay haween.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hoos udhac uu ku yimid faafitaanka cudurkaan hase ahaatee wali bulshada looga baahanyahay inay muujitaan taxadir dheeraad ah.

Guud ahaan tirada dadka uu soo ritay covid-19 dalka waxaa ay gaartay 2,658 waxaana u geeriyooday 88 halka sidoo kale ay ka bogsadeen 649 qof.

Goobjoog News