U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Shuruud Ku Xirtay Aqoonsi Siinta Dhaqtarka

Sheeko:Dalka

Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise Cuuke ayaa ka dhawaajiyay in aysan aqoonsi buuxa siin doonin dhaqtar aan kasoo shaqeyninin isbitaallada dadweynaha ama meelaha fog fog ee ka baxsan laamiga ee deegaannada maamulkaasi.

Tilaabadaan ayaa wasiirka caafimaadku ku micneeyay inay tahay qorshe la doonayo in lagu horumariyo caafimaadka dadweynaha si loo helo dhaqaatiir joogto ah oo ka howlgalla isbitaalada iyo meelaha fog fog.

Wuxuu sheegay in  Dhaqtar gaar ah ama kalkaaliye uusan joogaynin  degmo meel fog ku taala, isla markaana taas ay keentay inay culeyska u saaraan in dadka ku nool dhulalka ka fog magaalada inay helaan caafimaad sax ah.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale tilmaamay  inay jaamacaddaha Puntland kula heshiiyeen in wasaaradda caafimaadka loo tababaro saraakiil caafimaad oo lagu meelayn doono isbitaalada dadweynaha iyo xarumaha caafimaad ee kuyaala dhulka fog.

Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland u sheegtay in aysan aqbali doonin dhaqtar doonaya kaliya magaalada inuu ku shaqeeyo, balse loo baahan yahay in caafimaadka la gaarsiiyo dhulalka baadiyaha ah.

Goobjoog News