U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Kiisaskii Ugu Dambeeyey Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus oo  maaminba maalinta ka dambeyso la dareemayo korarkiisa gudaha Muqdisho, iayadoo wasaaraddu ay shaacisay kiisas cusub oo dadka uu soo ritay  xanuunka COVID-19 ah.

Wasaaradda oo war qoraal ah soo saartay ayaa lagu xusay in maanta la helay kiisas cusub kuwaas oo gaarayo 62 kiis oo dad uu soo ritay xanuunka lagana helay markii baartaan lagu sameeyey waxaana wasaaraddu intaas ku dartay in ay jiraan labo kiis oo dhimasho ah halka labo kiisna ay ka bogsadeen xanuunka Coronavirus oo horay u soo ritay.

Tirada dadka xanuunka uu haleelay ee gudaha dalka ayaa ah 449 qof waxaana kisaska dhimashadu ay marayaan ilaa iyo hadda 18 xaladood, guud ahaan dadka ka soo kabtay xanuunka ayaa gaarayo 10 qof sida lagu cadeeyey qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa u qoranaa sidaan “Dowladda waxaa ka go’an inay ku bixiso dadaal walbo oo lugu xakameynaayo cudurka duumada.

25 April 2020: Update on COVID-19 in Somalia

> New cases confirmed today: 62
> Male: 44
> Female: 18
> 2
> Death: 2

Total confirmed cases: 390
Total deaths: 18
Total recoveries: 10″

Image may contain: text

Goobjoog News