Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Kororka COVID-19 48-kii Saac Ee Tagtay

Wasaadda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixinteeda COVID-19 ku sheegtay in 48-kii saac ee la soo dhaafay la diiwaan geliyey 66 xaaladood oo Coronavrirus ah.

Wasaaradda ayaa xustay in kiisaska laga helay gobolka Banaadir 5, Somaliland oo laga diiwaan geliyey 46 kiis, Puntland 12 xaaladood, Koonfur Galbeed 2 kiis iyo Jubbaland oo laga xusay 1 kiis oo xanuunka COVID-19 ah.

Wasaaradda caafiimaad ayaa  dhanka kale xustay in xanuunka ay u geeriyoodeen 2 ruux, taas oo tirada ka dhigeyso guaha dadka xanuunka u geeriyooday 87 ruux, tirada la shaaciyey 55 kamid ah waa Rag halka 11 ay yihiin Dumar.

Waxaa xanuunka COVID-19 dib uga soo caafimaaday 27 ruux taas oo guud ahaan ka dhigan dadka soo gobsooday 559 ruux, guud ahaan xanuunka ayaa ku dhacay  dalka  tan iyo markii uu dilaacay 2,579 muwaadin.

No photo description available.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW