U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Kororka Ku Yimid Kiisaska Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee ku aadan xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana xaqiijisay inuu jiro korarka xanuunka ee bulshada dhexdeeda ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa  diiwaan geliyey kiisaskii ugu badanaa Corona.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur oo gordhow hadashay ayaa ka warbixisay guud ahaan tirade xaaladaha cusub ee COVID-19 ee dalka. Wasiiraka ayaa xustay 24saac  ee ugu danbeesay wasaaraddu xaqiijisay 44 xaaladood oo Coronavirus ah.

Wasiirka ayaa bidhaamisay muhiimada ay leedahay in bulshadu raacdo tilmaamaha ay ku baaqeyso Wasaaradda Caafimaadka sida gacma dhaqashada iyo nadaafadda guud si loo yareeyo faafidda cudurka ee bulshada dhexdeeda.

Wasiirka ayaa fartay Isbitaallada gaarka loo leeyahay in bukaannada leh astaamaha cudurka safmarka COVID-19 ay xilli hore u soo gudbiyaan isbitaal De Martino.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa ehelada bukaanada kula dardaarantay in ay xilli hore keenaan isbitaalka De Martino ee magalada Muqdisho bukaanadooda inta aysan xumaan xaaladooda caafimaad.

27 April 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 44 qof.

> Dhedig: 9

> Lab: 35

> Bogsasho: 4

> Dhimasho: 3

> Tirada Guud: 480

> Bogsashada Guud 14

>Dhimashada Guud 26

                                                Halkaan ka Daawo 

https://www.facebook.com/MoHSomalia/videos/1554726981347605/?t=34

Goobjoog News