U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladaha COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 31 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 782.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 24 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 15, Puntland 6 iyo Gobolka Benaadir 3 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,779.

Bukaannada cusub 18 waa rag. 6-na waa dumar,  24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Goobjoog News