U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Warbixisay Xaaladaha COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee Coronavirus, waxaa ay ku sheegtay in dalka laga helay 25 xaaladood oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska laga kala helay Somaliland 17, gobolka Banaadir 7 iyo maamulka  Koonfur Galbeed oo laga xusay 1 kiiis, waxaa soo bogsaday 8 ruux, halka aan la xaqiin muwaadin u geeriyooday xanuunka.

Kiisas wasaaraddu shaacisay 19 kamid waa Rag, halka 6-ka kale yihiin Dumar. guud ahaan xanuunka ayaa waxaa ayaa ku dhacay  2,860, waxaa ka bogsaday 837, halka guuda ahaan  dalka ay ugu geeriyoodeen 90 Muwaadin.

Goobjoog News