U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Lagu Wareejiyey Agab Caafimaad

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeel bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta kala wareegtay Hay’adda World Vision qalab loogu tala galay Kahortagga iyo baaritaanka COVID-19.

Qalabka ayaa ka saacidi doono Dawlad Goboleedyada dalka ee aan wali laga hirgelinin baaritaanka COVID-19 in ay helaan shaybaar lagu baari karo COVID-19.

Madaxda wasaaradda caafimaadka ayaa ka mahadceliyay qalabka la soo gaarsiiyay, waxaana ay tilmaameen in la gaarsiin doona meelaha ugu daran ee aan lahayn qalabka looga hortago faafidda COVID-19.

Goobjoog News