U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas Horleh oo Covid-19 ah

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 25 qof oo maanta laga baaray Coronavirus 19 kamid ah laga helay Covid19, taasoo tirada guud ee kiisaska ka dhigeysa 135.

Wasiir Fowziya Abiikar nuur ayaa sheegtay in dhimashadu ay gaartay 7 ruux halka hore ay u aheyd lix qof, waxeyna Alle uga bariday inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka oo goordhow shir jaraaโ€™iid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay qaataan talooyinka caafimaad si looga hortago faafida cudurka Covid19 oo si xowli ah ugu faafaya dalka.

Goobjoog News