U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisaskii Ugu Dambeeyey Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha ah ee COVID-19, waxaa ay ku sheegtay in maanta dalka laga  helay 9 kiis oo cusub 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kiisaska laga helay,  Benadir: 5, Somaliland: 3, iyo  Jubbaland: 1, taas oo guud ahaan ka dhigeyso dadka uu ku dhacay gudaha dalka  3,006, kiisaska  Lab: 8 kamid ah waa Rag, halka  Dhedig: 1 yahay Dumar.

Wasaaradda  ayaa dhanka kale shaacisay in xanuunka ay ka soo bogsoodeen 37 ruux, taas oo guud ka dhigayso : 1,051, majiro kiis dhiomasho ah oo maanta  la shaaciyey, xanuunka ayaa guud ahaan waxaa u geeriyooday 92 qof.

Goobjoog News