U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Oo Shaacisay Wararkii Ugu Dambeeyey COVID-19

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda  Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 21 qof oo cusub,  taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa ku dhawaad 973.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland 16, Puntland 5, Gobolka Banaadir 1, iyo Jubbaland 1 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2, 961.

Bukaannada cusub 22 ka mid ah waa rag 1-na waa dumar, 24-kii saac ee ugu dambeeyay 2 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 92 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Goobjoog News