U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas Hor Leh oo COVID19 Ah

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta koror uu ku yimid kiisas xanuunka Coronavirus, wasaaradda ayaana sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay dalka laga  helay kiisas gaarayo 36 kiis taas oo ka dhigeyso in gudaha  laga diiwaan gliyey ilaa 116 kiis, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasirka wasaaradda caafimaadka Dr Fowsiyo Abiikar Nuur.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa lagu yiri “24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay cudurka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa LAB, 9 ka kalena waa DHADIG. 30 kamid ah waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da’doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%). 1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da’diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee dhimashada ayaa ah 6.

Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah. Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn”S.

Goobjoog News